Hay,adda World Vision ayaa ku wareejisay maamulka Isbitaalka magaalada Gaalkacyo qalab caafimaad oo ku raran gaari candho meydle ah wuxuuna isugu jiray qalab loo isticmaalayo qeybaha kala duwan ee isbitaalka.
Wuxuuna kusoo beegmay wareejinta qalabkani xilli baahi badan loo qabay arrimaha caafimaadka ee loogu adeego qeybaha bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanada kale ee ku hareersan madaama lagu gudo jiro xilli roobaad ay dhici karto in Cisbitaalka la soo gaarsiiyo bukaano hor leh.
Munaasabada lagu wareejinayay qalabka waxaa kazoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Isu duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Mudug, Kusimaha Agaasimaha guud ee Isbitaalka magaalada Gaalkacyo iyo Saraakiil ka socota Hay,adda World Vision.
Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Mudug Cabdinaasir Shiikh Ibraahim ayaa uga mahadceliyay Hay,adda World Vision deeqda qalabka ay ku gudoonsiisay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna ku amrey maamulka Isbitaalka inay ugu adeegaan bulshada.
Kusimaha Agaasimaha Isbitaalka magaalada Gaalkacyo Saadiq Maxamuud Aadan ayaa si la mid ah uga mahadceliyay Hay,adda World Vision qalabka ay ugu deeqday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale Cali Faarax Samatar oo ka socda Hay,adda World Vision ayaa ka warbixiyay deeqdaan wuxuuna sheegay in loogu tala-galay sidii loogu adeegi lahaa bulshada Islamarkaana ay qeyb ka tahay taageerada iyo mucaawimada loogu talagalay shacabka Soomaaliyeed.
Ma ahan markii ugu horeysay oo Hay,adda World Vision qalab caafimaad gaarsiiso Isbitaalka magaalada Gaalkacyo, Waxayna ahayd bilowgii sanadkaan markey qalab ugu deeqday World Vision Isbitaalka Gaakacyo
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST