Askari Maraykan ah oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

Ciidamada Military-ga Maraykanka ayaa sheegay in Askari ka mid ah ciidamadooda Khaaska ah lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kalena lagu dhaawacay labo kale xili uu socday howlgal ay si wada jir ah u fulinayeen ciidamo Maraykan ah iyo Kumaandooska Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa lagu sheegay in Askarigan uu ku dhintay howlgal ka dhan ah Al-shabaab uuna ku dhintay meel qiyaas ahaan 60 KM dhanka galbeed ka xigta magaalada Muqdisho.

Howlgalka uu ku dhintay Askariga Maraykanka ah ayaa Xalay la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose waxaana howlgalka ka qeyb ka ahaa Diyaarado Dagaal.

Bishii la soo dhaafay ee April ayaa tiro yar oo ciidamo Maraykan ah la geeyay gudaha Soomaaliya, si ay tarabaro u siiyaan ciidamada Soomaaaliya iyo kuwa  AMISOM.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST