Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho Aas Qaran loogu sameeyey Wasiirkii Howlaha Guud iyo dib u-dhiska xakuumada Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabaas Cabdulahi Siraaji oo xalay lagu toogtay magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta ugu saraysa dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay, Ra’iisul wasaare Kheyre, gudoomiyaha Barlamaanka ,gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa marxuukma Salaada Janaasada kula tukuday Masjid ku yaala Madaxtooyada Soomaaliya.
Marxuum Cabaas Siraaji ayaa lagu Aasay qubuuraha ku yaala Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Aaska Ra’iisul wasaare Kheyre, gudoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya.
Madaxda Qaranka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay in uu naxariistii Jano siiyo Marxuum Cabaas Siraaji, waxayna sidoo kale Tacsi u direen qoyska Marxuumka iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST