Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Xili Dambe xalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay dilkii loo geeystay allaha u naxariistee wasiir Cabaas Siraaji oo xalay lagu toogtay Muqdisho.
Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku sifeeyay Marxuum Ex- Wasiir Siraaji in uu ahaa nin dhalinyaro ahaa oo karti lahaa islamarkaasina fir fircoonaa.
Waxa uu sheegay in uu aad uga naxay markii uu maqlay geerida wasiirka isaga oo sheegay in ehalkiisa iyo dhamaan umada Soomaaliyeedba uu uga tacsiyeeynayo geeradaasi naxdinta laheyd ee ku timid wasiir Cabaas wasiirkii howlaha guud oo xalay lagu toogtay Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in aas qaran loogu sameeynayo Maanta Muqdisho wasiirka madaxweynahana uu soo gaabiyay safarkiisii uu ku joogay Itoobiya Maanta uu soo laabanayo.
Hoos ka dhageyso Codka Ra’isilwasaaraha.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post MuqdishoÂ