Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso magaalada Hargeysa ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo Ajaaniib ah iyo kuwa Soomaaliand ay goob ay wax ku baranayeen ka Xiray Haween gaaraya ilaa 20.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haweenkaan ay ahaayeen kuwo ka yimid qurbaha islamarkaasina dhaqan cilin loogu sameeynayay Gudaha Hargeysa.
Ma jirto faah-faahin badan oo ka soo baxaya sababta loo xiray waxaana jira warar kala duwan oo ka soo baxaya .
Goobjooge ku sugan Hargeysa ayaa Warbaahinta PUNTLAND POST u sheegay in waalidiinta dhalay haweenkaasi ay codsiyo ku aadan in la sii daayo caruurtooda ay jeedinayaan .
Hoos ka dhageyso Wareeysiga waxaana wareeystay Wariye Cowke.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho