Madaxweyne Farmaajo oo Si Adag uga hadlay Wasiirkii Caawa lagu Toogtay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Booqasho Rasmi ah ku joogo dalka Itoobiya ayaa si kulul uga hadlay Wasiir katirsan Xukuumada Soomaaliya oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo iyo Marxuum Wasiir Cabaas oo Wada Sawiran Puntland Post

Madaxweyne Farmaajo ayaa Qoraal uu Goordhoweyd Soo dhigay Page-kiisa Twitterka ku sheegay in Amar Culus uu siiyay laamaha amaanka isaga oo sheegay in uu ku amray in cadaalada la marsiiyo ruuxii ka dambeeyay dilkii  Ex- Wasiir Cabaas Siraaje oo Caawa La Toogtay.

“Waxaan si degdeg ah ku amray madaxda laamaha amniga inay falkaan murugada leh si qoto dheer u baaraan gacantana kusoo dhigaan dambiileyaasha cadaaladdana la horkeeno” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho