Xildhibaanada dowladda Goboleedka Galmudug ayaa maanta Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ahwaxa ay ku dooran doonaan madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas, xili sanadkii aynu soo dhaafnay uu iscasilay C/kariin Xuseen guuleed.
Magaalada Cadaado waxaa xalay laga dareemayay diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada Xodxodashadii ugu dambeysay, Balamo iyo cod kala gadasho ayaa ayaa laga dareemayay magaalada, Xildhibaanada iyo dalaaliinta siyaasada ayaa hadba musharax u tagaya, si ay kalsooni u siiyaan.
Dhanka kale Labada Musharax Axmed Cali Hilowle iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa loolanka ugu adag ka dhaxeeyaa, qiimaha codka xildhibaanka ayaa maraya 7,000 dollar, waxaana socda gorgortan siyaasadeed, Musharax Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa isagu wax lacag ah ku bixinaynin codadka Xildhibaanada sida uu horey u shaaciyay.
Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug ayaa bilaabanaysa 9 subaxnimo, waxaana loo badinayaa in ay laba wareeg noqoto, Laba Axmed midkood ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysto Madaxweynaha Galmudug.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho