Xafiiska Hay’adda Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda puntland ayaa ka digay in si kaldan loo leexsado ama loo lunsado dhaqaalihii iyo taakulayntii loogu tala galay gurmadkii abaaraha, taas oo ah mid ka hor imaanaysa qiyimka iyo damiirka dadka iyo dowladda Puntland.
Xafiisku wuxuu dalbaday in hantida loogu talo galay abaaraha noocay doonto ha ahaatee la ilaaliyo si qaab hufana looga faa’iidayso mustaqbalka iyo marka loo baahdo.
Sidoo kale Xafiisku wuxuu dalbaday in wixii mucaano ah, ha yaraato ama ha badatee loo baahan yahay in la caddeyo, hal doolar iyo wixii ka badan shaqsigii , (Local NGO) Hay’addii aan dowli ahayn iyo mid dowli ah intuba in ay si hufan u diiwaan galiyaan.
Dhanka kale Xafiisku wuxuu ammaantay dadka iyo dowladda Puntland sidii wada jirka ahayd ee loogu wada istaagay gurmadkii abaaraha baaxadda lahaa ee ku habsaday deggaannadda Puntland.
Xafiisku wuxuu si gaar ah u ammaanay doorka qurba joogta, culimadda iyo shacab weynaha reer puntland doorkii lama illaawaanka ahaa ee ay ka qaateen taakulaynta iyo daryeelka dadkooda abaaruhu saameeyeen miyi iyo maagaalaba.
Sidoo kale Xafiiska Maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqu wuxuu ummadda reer Puntland ku booriyay in istaakulaynta la joogteeyo oo aan lagu koobin waqtiga qallafsan keliya ee ay noqoto is gacansiintu mid qiyimka dadka reer Puntland ka mid ah.
ugu danbayn xafiisku wuxuu xoojiyay in loo hoggaansamo shareecada islaamka iyo nidaamka u deggen Puntland, wuxuuna cugsaday Dastuurka Dowladda Puntland, qodobka 129-aad oo oranaya “Sarkaal ama shaqaale kasta ee dowladeed / mid aan dowli ahayn oo si xun u maamula, lunsada lacag, hanti kale ee ummadeed ama ka qayb gala fal danbiyadeed, wuxuu geystay danbi culus, waxaana loo gudbinayaa hay’addaha sharciga”.
PUNTLAND POST