Maxkmada Gobolka Banaadir oo Amartay in la soo xiro Agaasimihii wasaarada warfaafinta Soomaaliya

Maxkmada Gobolka Banaadir ayaa Ayaa warqad ay soo saartay waxa ay ku amartay in la soo xiro Agaasimihii wasaarada warfaafinta Soomaaliya Cabdirisaaq Yuusuf Cali Bahlaawi oo dhowaan shaqo joojin lagu sameeyay iyo Madixii Maaliyada Wasaarada Warafaafinta.

Gudoomiyaha Maxkmada Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Cabdulaahi ayaa sheegay in maxkmada la soo taagayo Bahlaawi.

Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu faray warqadan inay soo qabtaan labada nin, isla markaana horgeeyaan Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dalka.

Hoos ka Aqriso Warqada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho