Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Buuhoodle ku wajahan

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng Cabixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Cameey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Buuhoodle.

Eng Cameey ayaa waxaa uu u guur gali doonaa xaalada caafimaad daro ee ka jirta magaalada Buuhoodle oo dad badan ay u dhinteen cudurka shuban biyoodka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sahay caafimaad oo loogu talagalay dadka ku dhibaateeysan Buuhoodle gaarsiinaya halkaasi.

Magaalada Buuhoodle waxaa ka jirta xaalad nolol xumo oo aad u liidata iyada oo dad badana ay ku dhinteen halkaasi.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post