Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca Shekh Axmed Shaakir cali Xasan ayaa Dowlada Soomaaliya ku eedeeyey inay qeyb ka tahay Guul-darada la dagtay Wada hadaladii Galmudug iyo Ahalusun kuwaas oo xal loogu raadinayey Khilaafka Siyaasadeed ee mudda u dhexeeyey labada dhinac.
Axmed Shaakir ayaa Sheegay Dowlada Soomaaliya ay lug muuqato ku leedahay in Xal loo waayo Kala fogaanshada Siyaasadeed ee Galmudug iyo Ahalusuna udheexaya oo hada sii xoogaysay ka dib markii Ahalusuna ay ka hartay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweyne Shekh Axmed Shaakir Cali Xasan ayaa baaq u diray Dowlada Dhexe ee Soomaaliya oo uu gu baaqay dhex-dheexaad ka noqoto arimaha labada maamul maadaama Sida uu Sheegay Dowladiihi ee Soomaaliya ay ku guul darsatay in xal laga gaaro arintaan.
Hoos ka Dhageyso Codka
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho