Wararka PUNTLAND POST ay ka heleeyso Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa waxay ku waramaayaan in nin da’diisa lagu sheegay 33 sano jir uu kufsaday gabar 10 sano jir ah.
Raxmo Shiikh oo ah hooyada gabadha la kufsaday ee dhibanaha ah ayaa Warbaahinta Gudaha ee Muqdisho u Xaqiijisay in falkaasi uu dhacay waxayna sheegtay in gabadheeda uu ninkaasi ka da’da weyn uu kufsaday.
Hooyadaan oo murugeesan ayaa waxa ay sheegtay in aay aad kaga xuntahay dhacdada gabadheeda ku dhacday waxayna sheegtay in uu dhahay gabadhaada waxaan kuugusoo dhiibaa raashiin sidaasina ay ku raacday.
ugu dambeyntiina ninkaan gabadha kufsaday ayaa waxaa uu ku jiraa gacanta laamaha amaanka degmada Kaxda.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho