Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Shir Jaraaid ku qabtay magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Maamulkaas.
Maxamed Xasan Geelle Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in doorashada oo lagu waday in la qabti 30-bishaan oo maanta ah ku beegan hayeeshee laga weeciyay islamarkaana laga dhigay 3-ta bisha May.
Gudoomiyaha Guddiga Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle ayaa intaa ku daray in dib u dhigistaan ay tahay arimo farsamo, si loo helo waqti ku fulan doorashada, maadama ay wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunno uu waqti badan ku lumay.
Musharixiinta is diiwaan galiyey ayaa kala ah Axmed Shariif Cali Hilowle, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac. Musharixiintaan ayaa khudbooyinkooda Barlamaanka ka hor jeedinaya 1 May 2017.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho