Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo Qarax lagula beegsaday Muqdisho

Xildhibaan ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka  Somaliya, ayaa  waxaa qaraxa lagula eegtay Gudaha Degmada hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso waxaa la la eegtay Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo ka Tirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaliya oo marayay Wadada Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, balse xildhibaanka iyo mas’uuliyiin kale oo gaariga la saarnaa ayaa la xaqiijiyay in ay ka badbaadeen.

“Al Xamdullilaah, Ilaahaygii iga badbaadiyay qaraxii igu qabsaday wadada Taleex ee Degmada Hodan,Waa badqabaa anigu, laakiin laba ka mid ah ilaaladeeda ayaa ku dhaawacantay qaraxa.” Ayuu yiri Xildhibaanka ka tirsan Baarlamanka  Somaliya.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamuud Abukaate oo ka Tirsan Baarlamanaka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in uusan shaqadiisa u hakin doonin dhagarta kaga imaanaysa dagaalyahanada dowladda Soomaliya kasoo horjeeda.

Hoos ka Daawo Sawirada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho