Barlamaanka Aqalka hoose ee dalka Jarmalka ayaa ansixiyey sharci qabyo ahaa oo mamnuucaya xirashada Indho shareerka ee Muslimiinta.
Sharcigakan ayaa hirgali doona marka ay meelmariyaan Barlamaanka Aqalka sare ee dalkaaas oo dhawaan la horgeyn doono, waxaana markaas ka dib laga mamnuuci doonaa qaadashada Indho shareerka Shaqaalaha dowlada, Garsooayaasha iyo ciidamada.
Xisbiga Midigta xiga ayaa doonaya in lagu daydo Faransiiska oo sanadkii 2011 meelaha bulshadu isugu timaado ka mamnuucay xirashada Indho shareerka.
Angela Merkel ayaa sanadkii hore sheegtay in Indho shareerku munaasab ku ahayd dalkeeda, laga maamnuuci doono meelkasta oo sharcigu ogol yahay.
Arintan mamnuucida ayaa ka danbeysay weeraro dhowr ah oo ay qaadeen kooxo Islaamiyiin ah, waxaana ka mid ahaa weererkii Barlin ka dhacay ciidii Masiixiyiinta oo ay ku dhinteen 12 qof.
Liban Yusuf
PUNTLAND POST