Madaxweyne Farmaajo oo  ku Wajahan Dalka turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa manta ku wajahan dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa goordhow ka amba baxaya Garoonka Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u jeedka safarkiisa lagu sheegay in uu kulamo la qaadan doono Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Ordogan  ayaa kulankooda looga hadlayaa sida warar ay heshay Puntland Post arimo la xariira Iskaashiga labada dowladood iyo sidii loo jibaari lahaa wada shaqeeynta labada dhinac.

Waa safarkii shanaad oo Madaxweyne Farmaajo uu dalka uga baxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho