PUNTLAND POSTPuntland Post
Puntland

Sarkaal ka tirsan Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Share

Gaalkacyo- (PUNTLAND POST) Kooxo hubeysan ayaa Xalay Waqooyiga magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee  Puntland waxa ay ku toogteen sarkaal sare oo ka tisranaa Ciidamada Puntland, sidoo kalana ilaalo u ahaa Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Axmed Xasan Cabdiraxman “Gaandi” oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Puntland, ayaa lagu dhex toogtay gudaha magaalada Gaalakcyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana dilkiisa ka dambeeyay kooxo hubeysan.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in dhowr Xabadood ay sarkaalka ku dhufteen islamarkaana ay goobta isaga baxsadeen sida goob-joogayaal ay u sheegeen PUNTLAND POST

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland,waxaana jiro howlgal saakay lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka Axmed Xasan Cabdiraxman “Gaandi” oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamada Puntland.

PUNTLAND POST

1 comment

  1. waxad oganaysa marka heshis dhexmaro konfurta & waqiyiga mudug ee galkacyo,ama hadi si kale oo dhigo,galmudug & puntland,waxan rumeysanahay nabada laga radinayo 2 mamul in aay tahay wax aan waxba ka jirin,markaste waxad maqaleysa qof puntland ah aya ladilay ama waxa laqarixey mel puntland,marna ma-maqleysid qof ama goob kutal galmudug aya wax layelay,maxay tasi kutuseysa? in galmudug & koxda wax qarxinta xirir xoogleh ka dhex joro,Hadaba masulinta puntland & shacabka puntland in aay kafirsadan is dhex galka Galmudug & puntland,mar hadii nabada lagu gumadoyo,arinta kale ee puntland dhexdeda dadka yar ee la’adegsan karo in si hose lolasocdo.

Leave a Reply