Waxaa Maanta oo Axad ah Taariiqduna ay ku beegantahay 16-ka April lagu wadaa in lagu soo gaba gabeeyo Magaalada Muqdisho Shirka Madasha wadatashiga qaran.
Shirkaan uu shalay daah furay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la soo gaba gabeeynayaa galinka dambe ee maanta.
Shirkaan ayaa lagu wadaa in laga soo saaro warmurtiyeed ay ku heshiyeen madaxda dowlada Soomaaliya iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka.
Shirkaan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay si toos ah ugu kulmaan madaxda sare ee dalka madaxda maamul Goboleedyada ayaa laga soo saari doonaa go’aano ay gaareen oo ku saabsan arimaha amaanka isku dhafka ciidamada iyo shirka London ka dhacaya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho