Dowlada Kuuriyada Waqooyi oo maanta u dabaaldagaysay dhalashadii Kim Il-sung oo ahaa Ninkii asaasay dalkaas ayaa soo bandigtay cududeeda Military oo ay ka muuqdeen Gujis cusub oo xambaara gantaaalada Balastiga.
Bandhig ka dhacay magaalada Pyongyang ee caasimada dalkaas ayaa socod lagu mar siiyay ciidamo si gaar ah u tababaran iyo gantaalo casri ah, iyadoo uu daawanayey madaxweynaha Digtaatooriga ah ee Kim Jong-un.
Bandhigan ayaa ku soo aadaya xiisad u dhaxaysa xukuumada Kim Jong-un iyo dowlada Mareykanka taas oo ka dhalatay Gantaal kuwa riddada dheer ah oo ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.
Sidoo kale bandhigan Military ayaa ku soo aada iyadoo maanta uu Wasiirka arrimhaha dibadda dalak Shiinaha Wang Yi ka digay dagaal dhexmara Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Liban Yusf
PUNTLAND POST