Aabe Soomaaliyeed oo isku Dal Dalay Gobolka Togdheer

Wararka Ka imaanaya Deegaanka Galkhiifo oo ka tirsan Gobolka Togdheer ayaa ku waramaya in aabe Soomaliyeed oo isku daldalay deegaankaas kadib markii uu u adkeysan waayay haraadka iyo dhibaatada caruurtiisa ay ku jiraan.

Inta uusan isdaldalin aabaha waxaa haraad iyo Gaajo u dhintay xaaskiisii  iyo qaar kamid ah ilmihiisii taasina waxa ay keentay in aabaha uu isdaldalo, madaama uu u adkeysan waayay dhibaatada ay ku nool yihiin Caruurtiisa kale.

Guddiga abaaraha maamulka Somaliland oo dhacdadaan xanuunka badan soo gudbiyay ayaa bulshada Soomaaliyeed waxay ka codsadanayaan in ay taageeraan walaalahooda dhibaabeysan waxna kala baqiilin si loo badbaadiyo.

Abaaro baahsan ayaa ka jira dalka Soomaaliya taasi oo baa bi isay duunyadii waxaana iminka haraad u dhimanaya dadka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Wararka Puntland Post