Weerar la haysatayaal lagu soo furtay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Taliye ku xigeenka saldhiga booliska magaalada Balad weyne ee gobolka Hiiraan Nuur Xasan Bidaar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeyn kooxo Burcad ah oo jid gooyooyn u dhigan jiray shacabka isticmaala wadooyinka gala iyo kuwa ka baxa magaalada Baladweyne.

Taliyaha ayaa sheegay in howl galkaasi ay kusoo badbaadiyeen dad shacab ah oo ay heesteen kooxaha burcadka ah.
Waxa Uu intaa ku daray Taliyuhu in ka talis ahaan ay fariin adag u dirayan kooxaha dhibaatada ku haya dadka safarleyda ah ee mara duleedka Balad weyne deeganada dhaca.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadayo iyadoo waayahii dambe ay isa soo taraayeen jid gooyooyin ay dhiganaayaan rag ku libisan dereeska ciidamada .

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho