Dowlada Soomaaliya oo wax ka qabaneysa Cabasho ka soo yeertay Shacabka

Wasaaadda Gaadiidka iyo Dekaddaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay wax ka qaban doonto cawashooyin ay usoo gudbiyeen Gaadiidleeyda ka howl gala Garoonka iyo Dekkada Magaaladda Muqdisho kuwaasi  oo usoo gudbiyey in si deg deg ah wax looga qabto lacago xad dhaaf ah oo looga qaado Garoonka iyo Dekkada Muqdisho.

Waiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Eng Cabdi Raxmaan Cumar Yariisoow ayaa sheegay in Xukuumada ay wax ka qaban doonto cawashooyinkaasi loo soo gudbiyay isagoona sheegay in si isku mid ah oo cadaalad ah ay ugu howl geli doonaan Gaadiidleyda ka howl gala Dekadda iyo Eelaboorka Muqdisho.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa isasoo taraayay cawashooyin ay Gaadiidleyda ay u jeedinaayaan Dowladda Federaalka gaar ahaan laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, laantaasi oo lagu eedeeyay in lacagta xad dhaafka ah ay iyagu jeebka ku ritaan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho