Maraakiibta dagaalka ee dalka Shiinaha oo howlgalo badbaadin ah u sameynayay Markab ganacsi oo laga lahaa Boqortooyada Britain oo kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ay afduubteen ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Cabdikarin Salax Awkoombe oo ka mid ah hogaamiyaasha kooxaha Burcad badeeda Soomaalida.
Dowlada Shiinaha ayaa xustay in ay ka baxsadeen labo kamid ah kooxahaasi oo dib ugu laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen ee sanadihii ugu dambeeyay ka howlgaleyeen.
Ciidamada Shiinaha ee Soomaaliya ku sugan waxa ay sheegeen Cabdikarin Salax Awkoombe in uu ka dambeeyay weeraro lagu qaaday Maraakiibta Ganacsi ee Mara biyaha Soomaaliya islamarkaana haatan gacanta lagu hayo.
Sanadihii ugu dambeeyay dowlada Shiinaha ayaa biyaha Soomaaliya waxa ay ka waday dagaal ay ku heyso kooxaha Burcad badeeda ee biyaha Soomaaliya ku afduubta maraakiibta caalamiga.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Wararka Puntland Post