Warsaxaafadeedyo laga soo saaray Xafiisyada Ra’isilwasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ayaa hambalyo loogu diray maalinta aas aaska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya 12-ka April oo maanta ku beegan.
Ra’isilwasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa Xusay in ciidamada uu ugu hambalyeeynayo maalintii la aas aasay.
“Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu
Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari ayaa hambalyo u diray ciidamada xooga dalka Soomaaliya waxaana uu u rajeeyay Bash bash iyo barwaaqo.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ciidamada xooga dalka isga oo amaan iyo bogaadina u jeediyay.
“Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Maanta oo ku beegan 12-ka April maalinta aas aaska ciidamada xooga dalka soomaaliya ayaa laga xusayaa meelo badan oo wadanka Soomaaliya ah.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho