Maraykan oo sheegay in uu burburiyay 20% diyaarahada dagaalka Suuriya

Dowladda Maraykan ayaa sheegtay in ay 20%  burburiyeen diyaaraha dagaalka Suuriya duqeyntii Khamaiistii ay uga jawaabeen weerar looga shakisan yahay in loo adeegsaday Kiimiko.

Xoghayaha difaaca ee dalka Maraykan James Mattis ayaa sheegay in ay talo xumo tahay haddii markale loo adegsado Suuriya hubka Kiimikada.

James Mattis ayaa sidoo kale sheegay in jawaab celinta xadidan ee Maraykanka ay dhalisay in ay burburaan goobo shidaalka iyo rasaasta lagu keydiyo , difaaca cirka iyo 20% diyaaradaha  dagaalka dalka Suuriya, isagoo intaas ku daray in Suuriya aanay hadda lahayn awood ay shidaal iyo gantaalo uga qaadato garoonka diyaaradaha ee Shayrat.

Suuriya ayaa dhankeeda beenisay in todobaadkii tagay ay weerar Kiimiko ah ku qaaday magaalada Khan Seikhoun ee ay mucaaradku gacanta ku hayaan , halkaas oo ay ku dhinteen 89 qof.

Maraykanka ayaa Khamiistii hore 59 gantaal oo nooca Cruise-ka ah ku diray garoonka Shayray, maalin ka dib markii uu dhacay weerar looga shakisan yahay in Kiimiko loo adeegsaday.

PUNTLAND POST