Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Xamar jajab ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in qarax gaari lagu xiray uu goordhow ka dhacay Agagaarka Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ku xirnaa gaariga oo ahaa kuwa raaxadda, islamarkaama la la beegsaday Shaqsiga gaariga waday.
Warar goordhow ku soo dhacay Warqabadka warhaabita Puntland Post ee Muqdisho ayaa sheegaya in qaraxaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray masuul u shaqeeynayay wasaarada waxbarashada Soomaaliya.
Masuulkaan ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul qaadir Cismaan kaasi oo hadda lagu dabiibayo mid kamid ah isbitaalada Muqdisho.
Laamaha amaanka wali kama aanay hadlin qaraxaasi Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho .
Shalay uun ayeey aheyd Markii weerar dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay nawaaxiga Wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho.
Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho