Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Dubai Lana kulmaya Madaxda Imaaraadka

Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo  ayaa Gaaray Dalka Isku Taga imaaraadka Carabta gaar ahaan Magaalada Dubai.

oo ku sugan wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa lagu wadaa in maanta la kulmo Madaxda ugu Sareeyso Wadanka Imaaraadka, iyagoona kala hadlaya arrimaha labada dal.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kala hadli doono xoojinta Xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dal iskaaga kaashan lahaayeen dhinac amniga dhaqaalaha iyo dhanka arimaha Bulshadda.

Madaxweyanaha Soomaaliya Mudane Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale warar ay heleeyso PUNTLAND POST waxa ay sheegayaan in uu kala hadlayo arimo la xariira heshiiyada qaar kamid ah madaxda Maamul Goboleedyada ay lagaleen Wadankaasi isku taga imaaraadka Carabta.

Hoos ka Daawo Qaar Kamid ah sawirada 

 

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post