Gaadiidka Ciidamada AMISOM oo Wiil Da’yar ah ku Jiiray Muqidhso

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ayaa waxa u isgoyska Sanca ee Degmada Yaaqshid uu ku jiiray Wiil yar oo wadada laamiga ah xiligaas Goynayay.

Darawalkii waday Gaariga Jiiray Wiilka yarka ah ayaa iska dhaqaaqay falka kadib sida PUNTLAND POST ay u sheegeen dad ku sugan Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir,balse waxaa durbadiiba ku baxay arinta Ciidamo ka tirsan Kuw Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.

Gaariga jiiray wiilka yarka ayay Ciidamada Nabad Sugida waxa ay ku qabteen isagoo maraya isgoyska Siinaay ee isla Gudaha degmadaas.

Ciidmada AMISOM ee Soomaliya jooga ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay kordhiyay falalka noocaan oo kala ah ay ka geystaan isgoysyadda Magaalada Muqdisho, waxayna caadi ka dhigteen in ay iska dhaqaaqaan falka kadib.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho