Taliyaha Cusub ee Ciidamada Milatariga oo ka bad baaday Qarax la la eegtay

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Somaliyeed jeneraal Cirfiid ayaa goordhaweyd ka badbaaday qarax la doonayay in lagu khaarijiyo oo ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaliya ee Degmada Deyniile.

Qaraxa ayaa la la eegtay kolanyo Gaadiid ah oo galbineeysay taliyaha oo doonayay in ay galaan xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Taliyaha ayaa la xaqiijiyay in uu ka bad baaday qaraxaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa hayeeshee waxaa ku waxyeeloobay dad shacab ah .

Faah Faahinta Dib Kala soco Insha allah .

Xasan maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho