Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaayo qarax Duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaliya.
Qaraxaani ayaa waxaa durbadiiba sheegtay Al-Shabaab oo sheegay in ay la damacsanaayeen hogaanka sare ee ciidamadda Xooga Dalka,
Sida Ay PUNTLAND POST horay u Daabacday qaraxaan ayaa waxaa lala beegasaday kolonyo baabuur ah oo uu saarnaa taliyaha cusub ee ciidanka xooga dalka xili uu kasoo baxay xarunta wasaaradda gaashaan dhiga xukuumadda soomaaliya.
Halkaa oo ka dhacday munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyahii hore ee ciidamada xooga dalka Maxamed Aadan Axmed (Buud) iyo taliyaha cusub ee ciidamadda xooga dalka General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid).
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa PUNTLAND POST u xaqiijiyey in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 7 ruux oo isugu jiray ilaalada uu watay taliyaha ciidamadda xooga dalka General Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyo dad rayid ahaa oo ka agdhawaa goobtuu qaraxa ka dhacay, balse uu ka badbaaday taliyaha cusub ee ciidamadda xooga Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyo saraakiishii la socotay.
Hoos Ka Daawo Sawirada




Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho