Burcad badeed Soomaali ah oo Afduubay Markab Xamuul

Kooxo Bucad badeed Soomaali ah ayaa markale Sabtidii shalay ahayd afduubay Markab kuwa Xamuulka qaada ah oo marayey marin biyoodka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Yemen.

Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee dalka UK, United Kingdom Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa website-keeda ku sheegtay in ay heleen warbixin ah in Markabka weerar ku socdo isaga oo maraya xeebaha u dhow dalka Yemen, laakiin faahfaahin dheeri ah ma bixin.

Markabkan ay afduubeen kooxaha Bubcad badeeda ah ayaa la sheegay in uu ku gooshayey calanka JasiiradaTuvalu oo ku taala koonfurta Badweynt Baasifiga, waxaana Markabkaas lagu magacaabaa OS-35.

Agaasimihii hore ee hay’adda la-dagaallanka burcad-badeednimada ee Puntland, Cabdirisaaq Maxamed Axmed Ducaysane ayaa sheegay in uu helay xog ku saabsan afduubka Markabka, laakiin uusan sii wadi karin faahfaahin dheeraad ah.

Horaantii bishan ayay ahayd markii kooxo Burcad badeed Soomaali ah ay qabsadeen Dooni yar oo 11 qof oo Indiana saarnaayeen, taas oo maraysay meel u dhexaysa Channel cidhiidhka ah ee u dhexeeya Socotra Island iyo xeebaha Soomaaliya.

Bishii March ee la soo dhaafay ayay kooxaha Burcad badeeda Soomaalida markii ugu horeysay tan 2012 ay afduubeen Markab ku gooshayey calanka Sri Lankan.

PUNTLAND POST