Somaliland oo xukuntay Wariye Coldoon

Maxakamadda magaaladda Hargeysa oo gacanta ku haysay dacwad loo haystay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo muddo labo bilooda xirnaa ayaa saaka soo saartay natiijadii ka soo baxday dacwadaas.

Maxkamadda ayaa  ku dhawaaqday in Wariye Coldoon  lagu xukumay  xarig cinqaabeed Labo sano ah, ka dib markii xeer ilaalintu ku eedeysay in uu  jabiyey jiritaanka Somaliland iyo in uu taageeray Madaxweyne Faarmaajo xili uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dhanka kale qareenadii u doodayey Wariye Coldoon ayaa goobta ka sheegay in xukunkan  lagu riday Wariye Coldoon uu yahay mid siyaasadaysan isla markaana ay Racfaan ka qaadan doonaan kuxunka Maxkamadda.

Wariye Coldoon ayaa ah Samafale u gargaara dadka aan hadli Karin waana Wariye ay ku weyn tahay Soomaalinimadu.