Masuuliyiinta Hay’adda qandaraasyada Puntland oo looga yeeray xafiiska Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqa

Hay’adda dowladda Puntland u qaabilsan Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa maanta oo ay bishu tahay 8/4/2017-ka  u yeertay Afarta mas’uul ee ugu sarreeya hay’adda qandaasyada u qaabilsan Puntland, si  su’aalo looga waydiiyo cabashooyin dhowr ah oo soo gaaray xafiiska iyo qoraallo is daba joog ah oo ay dhawaan saxaafadda qaarkood baahisay.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiistk hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Puntland oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in xafiisku dalbaday in  48 saacadood gudahood ay Masuuliyiinta magacyadadoodu hoos ku qoran yihiin ay yimaadaan xafiiska Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland, si loo xaqiijiyo dhaliilaha xafiiskooda loo jeediyey  iyo mas’uuliyiin si gaarka ah farta loogu fiiqay waxa ka jira, si dabgal dheeraad ah loogu sameeyo hubinta iyo ka sal gaaridda eedaymahan loo soo jeediyey.

Masuuliyiinta hay’addu u yeertay ayaa kala ah  Ibraahim Axmed Cumar oo ah gudoomiyaha hay’adda qandaasyada Puntland, Axmed Khaliif Gudoomiye ku xigeenka hay’addaas, Isxaaq Shiikh Cabdisalaan Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada iyo Cabdiqani Faarax Dhaashane xoghayaha Guddiga qandaraasyada.

Yeeriddan su’aalaha lagu weydiinayo Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa muujinaysa qorshe cusub oo laba kaclayn ah oo dowladdu ku dhaqaaqday loona baahan yahay in la joogteeyo, si loo helo nidaam dowladeed oo salka ku haya Maamul hufnaan iyo isla xisaabtan si horumar loo gaaro.

Waana markii ugu horeysay tan Asaaskii Puntland oo loo yeero masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland si wax looga waydiiyo arimo la xiriira musuqmaasuq.

Hoos ka akhriso warqadda qoraalka ah ee ka soo baxday hay’aada Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Puntland.

 PUNTLAND POST