Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo mar kale dib loo dhigay

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyadda Dowladd Goboleedka Galmudug kulan ku yeeshay wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaliya oo uu Hogaaminayay wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Faarax Juxa iyo Gudiga doorashada Galmudug oo matalayey xildhibaanada Galmudug.

Kulankan oo ahaa mid dhinacyo badan diiradda Lagu saaray ayaa wax dhanka dowladda Federaalka uga qeybgalay Wasiirka arimaha gudaha DFS Cabdi Faarax Saciid Juxa, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud DFS Axmed Cabdi Kaariye iyo xildhibaano, Dhanka Galmudug waxaa uga qeybgalay gudiga doorashada Galmudug.

Gudiga Doorashada Galmudug iyo Wafdiga Heer Federal Waxay isla garteen Qodobada Hoos ku Qoran

• in doorashada Madaxweynaha din loo dhigo ilaa 30 April 2017.

• Wafdiga Dowlada ka socday Waxa ay soo bandhigeen Jadwal ka Kooban 3 Waji oo ay damacsanyihin in ay fuliyaan Mudada ay codsadeen.

• Laga bilaabo 10 April ilaa 17 April in wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunno ka dhaco magaalada Muqdisho.

• Laga bilaabo 17 ilaa 25 April in la fuliyo waxa lagu heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunno.

• Laga bilaabo 25 ilaa 30 in la isku diyaariyo doorashada.

• In 30 April la Qabto Doorshada Madaxweynaha Galmudug.

PUNTLAND POST