Ra’iisu lwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay Maareeyaha Dekadda Magaalada Muqdisho, iyo Maareeyaha Garoonka magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Dekeda magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Washington oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed, wuxuuna badalay maareeyihii hore C/llaahi Cali Nuur oo mudooyinkii dambe xilkaan hayay.
Waxaa kaloo la magacaabay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho Yuusuf Cabdi Cabdulle oo lagu naaneeso Yuusuf Jaalle oo ahaa madaxii Ololaha doorashada Madaxweyne Maxamed C/laahi maxamed Farmaajo.
Dhanka Kale Ra’iisul wasaaraha ayaa magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidamada Nabadusugida Soomaaliya isaga oo u magacaabay Cabdi Fitaax Shaaweeye oo Xilkaasi horay u hayay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho