Hay’adda Astaynta Mamul wanaaga Puntland iyo Wabaahinta dowladda oo billabay Barnaamij muhiim ah

Ha’adda Astaynta Maamul wanagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Puntland iyo warbaahinta dowladda ayaa bilaabay Barnaamij  gaar ah oo muhiim ah, kaas oo loogu tala galay dadka, daldhiska,Horumarinta Bulshada,iyo sidoo kale xoojinya isku xirnaanta iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka.

Barnaamijkan  ayaa si gaar ah diiradda u saaraya in laga wad shaqeeyo sidii loo soo saari lahaa Bulsho dhisan oo ka caafimaad qabta wax walba oo dib u dhac ah.

Barnaamijkan wacyi galinta iyo  horumarinta Bulshada ah ayaa noqonayana todobaadle , galab kasta oo arbaca ah dhaca, ayna  ujeedadiisu tahay  kor u qaadista wacyiga linta Bulshada dhanka Amniga, ilbaxnimada, waddaniyadda, waxbarashada,  ku kalsoonaanta, jacayka dalka, ka faiidaysiga khayraadka dalka, ku baraarugsanaanta ka qayb qaadashada horumarka dalka iyo ka hortagga wax kasta oo Bulshada wax u dhimaya sida Musuqmaasuqa, Maamulxumada, amni xumada, iyo wixii la mid ah.

Barnaamijka oo maanta daahfur loogu sameeyey, Xafiiska Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la galaalanka Musuqmaasuqa ayaa waxaa loo bixiyey ” Barnaaminka todobaadka iyo Iftiinshe”

Barnaamijka oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland, Bulshada qaybaheeda kala duwan, aqoon yahanadda iyo in dheer garadka reer Puntland ayaa wuxuu qayb  ka noqon doonaa isku xirnaanta iyo wada shaqaynta dowladda iyo shacabka, sidoo kale wuxuu noqon doonaa gole lagu falan-qeeyo diiraddana lagu saaro hadba meeshii muhiim oo loo arko in dad weynaha lagu baraarujiyo, laguna hormariyo, loona iftiimiyo meelaha god daaloolooyinku ka jiraan una baahan in la daboolo iyada oo dowlad iyo shacabba la isla kaashanayo.

Agaasimaha Ha’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa  Puntland Cabdiaxmaan Cali Guureeye oo munaasabadaas daahfurka ah ka hadlay ayaa iskaa-shigan ku tilaamay mid wax tar u leh busha weynta reer Puntland iyo Ummadda soomaliyeed guud ahaanba , maadaama barnaamij dhaxal gal ah oo salka ku haya dad dhis, dal dhis iyo isku tashi yahay.

“waa barnaamij salka ku haya cimi baaris, aqoon kororsi iyo talo wadaagis, waa barnaamij xoojinya wada shaqaynta iyo iska war haynta dowladda iyo shacabka”.

waxaa sidoo kale ka hadlay Munaasabadan daahfuka ah  Agaasimaha Guud ee TV iyo Raadiya dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf isagoo  tibaaxay in Barnaamijkan iftiinshe uu iftiimin doono waxyaalo badan oo qayb ka ah horumarinta iyo dhisidda Bulshada.

“ Waa Barnaamij bilow wanaagsan iyo ku dayasho u noqon doona jiilka soo koraya, inoona horseedi doona koboc wanaagsan, Waa barnaamij dood iyo aqoon wadaag ah, oo ay ka qayb qaadan doonaan, Masuuliyiinta Dowladda iyo  qaybaha kala duwan ee Bulshada sida aqoonyahannada, Culimada,  golaha dhaqanka, Ardayda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada”.

Barnaamjikan todobaadlaha ah ee IFTIINSHE, Mas’uuliyiinta dowladdu waxay heli doonaan fursad ay bulshada ula wadaagaan wax qabadkooda iyo himilooyinkooda, aqoon yahanka iyo in dheer garadku waxay helayaan fursad ay ummadda ula wadaagaan hadba dhinaca ay takhasuska u leeyihiin, sidoo kalena waxuu noqon doonaa barnaamij mar walba xambaarsan farriin ummadda wax wanaagsan u iftiiminaysa ayuu agaasimaha TV iyo Raadiyaha Puntland carrabka ku adkeeyey.

Barnaajika daahfurka ka dib maanta aqoonyahanadii barnaamijka ka qayb galay ayaa ku  bilaabeen Waddaniyadda iyo lahaanshaha dalka, waxaana aad loogu lafa guray, waxa ay tahay Waddaniyaddu? Yaa ah ah waddani?, Ma loo dhashaa mise waa la iska dhigi karaa waddani, sidee  loo xoojiyaa waddaniyadda?  Qiimaha dalkaaga iyo sharafka aad ku leedahay,  waxaana laga sheekeeyey Taariikhdii waddaniyiintii Soomaliyeed, taariikhdii Puntland iyo sidii lagu asaasay, iyo heerarkii kala duwanaa ee Puntland soo martay.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay  khubaro, waayo arag taariikhda Soomaliya iyo tan Puntland wax badan goob joog kasoo noqday iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Barnaamijka oo si joogta uga bixi doona Warbaahinta dowladd Puntland iyo Warbaahinta madaxa banaan ee Puntland Post, sidoo kalena  heli doona  baahin wanaagsan ayaa waxaa la saadaalinayaa in uu noqon doono barnaamijyada ugu xiisaha badan ee ka baxa warbaahinta Afka Soomaliga ku hadasha, sidoo kalena wax wayn ku soo kordhin doona saamaynta iyo hadal haynta Goobaha bulshadu ku kulanto.

Sida aad u aragtid Barnaamijkan, wax ku kordhin, Wixii fikir iyo talo ah, fadlan nagala soo xiriir Puntladggb1@gmail.com