Dowlada Kenya ayaa gacanta ku dhigtay muwaadiniin soomaali ah kuwaa oo ay ku eedeysay in dal ku gal been abuur ah ka iibiyaan qaxootiga ku nool xerada Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaa oo doonaya in ay dib ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya.
7-daan qof ee aan lamagacaabin ayaa sidoo kale la sheegay in fiisooyinka loo yaqaan Guriga aad ay ka iibiyaan dadka u socdaalaya dalalka reer Galbeedka oo Canada ay kamid tahay.
Maxkamada dalkaasi ayaa booliiska u qabatay in 10 maalin ay baaritaan-kooda maxkamada ku hor keenaan si xukun looga gaaro.
Dowlada Kenya ayaa dooneysay in ay xirto xerada Dhadhaab oo in kabadan 200,000 oo muwaadiniin soomaaliiyeed ay ku nool yihiin kuwaa oo soomaaliya dib ugu soolaabanayaya.
PUNTLAND POST