Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa in  abaarihii 11:44 daqiiqo  uu ka dhacay Maqaaxi ku taala agagaarka Wasaaradda Amniga oo ku taala Degmada Shangaani.

Qaraxa ayaa la sheegay in  uu ahaa mid aad u xoogan islamarkaana saameeyay goobaha ka ak dhow  Wasaaradda Amniga oo ku taala Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in  tiro dad ah ay ku dhaawacmeen qaraxa oo xiligaas marayay wadada, waxaa ku jira ardeyda.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho