Midowga Yurub oo 80 Milyan oo Euro ugu deeqay Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in lacag dhan 80 Milyan oo Euro ay soo uruuriyeen taas oo loogu tala galay gargaarka bani’aadanimo ee Abaarta ka jirta Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen golaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lacagtan ay qeyb ka tahay 140 Milyan oo Euro oo loogu tala galay guud ahaan Abaarta ka jirta Geeska Africa.

Sidoo kale War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dhowr wadan oo xubno ka ah ururka ay si gaar ah gargaar uga geystaan gurmadka Abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Dhanka kale golaha Midowga Yurub ayaa  sheegay in 6.2 Milyan oo qof oo Soomaali ah u baahan yihiin gargaar cuno, ayna 2.9 Milyan oo ka mid ah dadkaas ku sugan yihiin Xaalad degdeg ah ayna u baahan yihiin cuno lala gaaro ka hor Bisha June ee sanadkan.

Golaha Midowga Yurub ayaa Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah u wajahaan dhibaatooyinka bani’aadanimo ee ay sababtay Abaarta Soomaaliya, isla markaana Beesha caalamka ay sare u qaado dadaalada looga jawaabayo baahida jirta.

Waxay kaloo sheegeen an ay muhiim tahay inlagu dhaqmo casharadii laga bartay macaluushii Soomaaliya ka dhacday sanadkii 2011, waxayna ugu baaqeen dhamaan deeq bixiyaasha iyo dadka ka shaqeeeya Arimaha bani’aadinmada in ay sare u qaadaan taageerada ay siiyaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay cod sadeen in ay muhiimtahay in shaalaha gargaarka loo ogolaado in ay si buuxda oo nabadoon ku gaaraan dadka gargaarka u baahan, si waafaqsan xeerarka gargaarka bani’aadanimo ee caalamiga.

Lacagtan ay Midowga Yurub ku deeqeen ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay ka jirto Soomaaliya Abaar Aad u liidata, taas oo saamayn weyn u geesatay dadka iyo duunyada.

PUNTLAND POST