Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mr. Michael Keating.
Kulankaasi ka dib waxa saxaafadda warbixin ka siiyey wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, iyo Ergeyga qaramada midoobay, iyadoo saxaafaduna su’aalo ka waydiisay ujeedada socdaalkiisa iyo arrimaha Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliand waxa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta, mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, wasiir ku xigeenka Madaxtooyada, Mudane Axmed Xaashi Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
Hoos ka Daawo Sawirada

Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post