Warar laga helayo Xeebaha dalka Yemen ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi koox Burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen marka laga leeyahay Dalka Hindiya.
Markabkan oo ah nooca Xamuulka qaada ayaa Kooxda Burcada Bada oo wata Doonyo qafaasheen.
Markabkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Al-Kaushar, waxaana saarnaa 11 Shaqaale ah waxaana uu ku sii jeeday dalka Yemen .
Majirto Faah Faahin intaasi ka badan oo warbaahinta ay ka heleeyso markabkaasi la afduubtay waxaana xogtaasi shaacisay Wakaalada Wadanka India ee India News.
Halkaan ka Aqriso Warka Ay Wakaalada Hindiya Ka qortay Afduubka Markabkaasi
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post