Wafdi ka socda Turky-ga oo Muqdisho ku soo wajahan iyo Amaanka oo la Adkeeyay

Wafdi uu Hogaaminaayo Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dowladda dalka Turkey-ga Sayn Bekir Bozdaayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Amaanka qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa wadooyinka qaar lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM oo amaanka xaqiijinya.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dowladda dalka Turkey-ga Sayn Bekir Bozda markuu Muqdisho soo gaaro waxa uu la kulmi doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya wuxuuna kala hadli doonaa xiriirka Labada dal.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdigaan uu horudhac u yahay wafdi Madaxweynaha dalkaas oo 4-ta bishaan la filayo in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho