Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Sayn Bekir Bozda iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray maagaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga iyo waftigiisa ayaa waxaa garoonka Muqdisho ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowlada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada.
Waftiga ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta iyagoo ka wadahadlay Arimo ay ka mid ahaayeen Abaartaha iyo hurmarka dalka Soomaaliya, iyadoo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkigu uu Duqa magaalada Muqdisho ku wareejiyay 52 Gaadiid iyo Warshad dhismo, taas oo loogu talagalay in lagu hor mariyo bilicda magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in ay gacan ballaaran ka geeysan doonaan dadka Abaaruhu saameeyeen, ayna garab ku siin doonaan dowlada Soomaaliya sidii looga hortagi lahaa Abaaraha.
PUNTLAND POST