Wararka naga soo gaaraya Dalka Koonfur Afrika gaar ahaan magaalo Qiyaastii 50 Km u jirta magaalada Johanesberg ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay 2 muwaadin oo Soomaaliyeed mid kalena lagu dhaawacay.
Muwaadiniinta la dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdinuur Maxamed halka mid ka kale ee la dilay magaciisa lagu soo gaabiyay Warsame, Muwaadinka kale ee Soomaaliyeed ee la dhaawacayna waxaa lagu magacaabaa Maxamed Salad Waxaana goobtooda ganacsi ku soo weeraray burcad Koonfur Afrikaan ah.
Zakariye Xuseen Axmed oo ka mid ah Wariyaasha ee ku nool Dalka Koonfur Afrika ayaa PUNTLAND POST Taleefonka ugu waramay ayaa inooga Warbixinaya sida dhacdadaasi ay u dhacday.
Burcada Koonfur Afrika ayaa dhibaatooyin kala duwan u geeysta Dadka Soomaaliyeed ee ku Ganacsada Dalkaasi Koonfur Afrika.
Hoos ka Dhageyso Wareysigan oo uu qaaday Wariye Cowke.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho