Waxaa gordhow ay madaafiic xoogan ku dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyadoona faafaahino kala duwan ay ka soo baxayaan.
Dad ka agdhow xarunta madaxtooyada soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay maqleen dhawaqa 5 madfac oo u gudubtay dhinaca madaxtooyada soomaaliya.
Madaafiicda ayaa la sheegay in qaarkood ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada soomaaliya islamarkaana qasaare ay geysteen.
4 qof oo kamid ah ahqaalaha madaxtooyada soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen madfac ku dhacay barxada madaxtooyada soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho