Shir Madaxeedka Wadamada Jaamacadda Carabta oo Maanta ka furmaya Cumaan

Magaalada Cumaan ee dalka Jordan waxaa maanta ka furmaya Shir Madaxeedkii 28-aad ee Wadamada Jaamacadda Carabta, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madax sare.

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo shalay halkaas gaaray ayaa maanta ka qeyb galaya shirka.

Shir Madaxeedkii 28-aad ee Wadamada Jaamacadda carabta waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madax sare sare , oo ay kamid yihiin boqorka Sucuudiga Boqorka Urdun Cabdullaahi, Salman bin-Cabdicasiis, Madaxweynaha Masar Cabdicasiis Sisi iyo madaxda kale ee wadamada kale ee Jaamacadda carabta.

Qodobada lagu falaqayn doono shirweynaha waxaa ka mid ah arrimaha Falastiin, degaamaynta yuhuuda ee dhulka falastiin, ammaanka biyaha wadamada Carabta, waxaa kaloo lagaga hadli doonaa xaaladihii u dambeeyay ee wadamada Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Yemen iyo abaaraha saameeyay Soomaaliya.

Dhanka kale Kullan hordhac ahaa ayay shalay yeesheen gollaha wasiirada Carabta waxay ku yeesheen Hotel Kempinski ee Cumaan, kaasi oo lagu diyaariyay ajendaha kullanka maanta ka dhacaya Magaalada cumaan waxaa sidoo kale kulanka loogu hadlaayaa dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeereen argagixisada iyo guud ahaan amniga mandaqada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post