Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta Golaha Wasiirada horgayn doono Baarlamaanka

Ra’iisulwasaaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya xasan Xali Cali kheyre ayaa maanta horgeynaya Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya golihiisa wasiirada uu dhawaan kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa warqad uu u qoray Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku wargeliyay in Maalinta Arbacada oo maanta ku beegan uu horkeeni doono Golaha Wasiirada cusub.

Dhanka kale Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka, ayaa xalay farriimo Xildhibaanada ugu diray teleefanadooda gacanta, iyadoona lagu wargeliyay in berrito ay soo xaadiraan Xarunta Golaha Shacabka, oo lagu wado in la keeno Golaha Wasiirada.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa 21-kii bishan soo magacaabay 26 Wasiir, 26 Kuxigeeno, 15 Wasiiru Dowlayaal iyo hal Ra’iisal Wasaare Kuxigeen, balse todobaad kadib 105 Xildhibaan, oo u badan kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay Guddoonka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya u direen warqad ay ku dalbanayeen in Ra’iisal Wasaaruhu uu wax ka bedelo magacaabista Golihiisa Wasiirada, iyagoo ku doodaya inaanu magacaabistoodu ku salaynin hannaanka awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho