Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, iyadoo uu magacaabay taliye cusub.
Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada Soomaliya ayaa waxaa loo magacaabay Col. Axmed Maxamed Afcadey oo horay u ahaa Taliyihii Madaxtooyada Villa Soomaliyed, xilligii Madaxweyne Sheekh Shariif Shiikh Axmed.
Ilaalada Madaxtooyada waa ciidan Milateri hoos-taga Taliska xoogga dalka Soomaliya, waxaa loo yaqaan Koofiyo cas, waxayna gaarayaan illaa guuto ciidan.
Taliyihii Ilaalada Madaxtooyada Jen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, ayaa mar soo noqday madaxda Pratocolka Madaxtooyadda Soomaliya xiligii Dowladii Shiikh Shariif Axmed, waxaana la sheegay in uu yahay shaqsi ay isku dhaw yihiin dhanka beel ahaan Xasan Shiikh maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaliya.
Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa wali wada is badal uu ku samenayo maamulka Madaxtooyadda Soomaliya dhawaan waxa uu magacaabay agaasimayaasha Madaxtooyadda, warfaafinta iyo Pratocolka.
Xasan Maxamed Samater(cowke)
Puntland Post Muqdisho