Madaxweynihii Dalka Masar Xusni Mubaarak oo Xabsiga laga sii daayay

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray Waxaan alagu eedeeyay in uu sabab u ahaa dad badan oo uu dhintay iyaga oo isaga taageerayay.

Mubaarak ayaa waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado loo heeystay iyo leeyn Dadweeyne Markii xilka laga tuuray sanadkii 2011.

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.

Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

Waxaa xusid mudan in wali dalkaasi ku xiranyahay Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamud Mursi oo loo heeysto isna Dilal Dad rayid ah iyo Aas aasida kooxda Akhwaanul Muslimiin oo dalkaasi looga aqoonsaday koox Arga gixiso

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post