Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa Maanta ka dhacay ilaa Labo qarax oo loo adeegsaday Gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Qarixii hore ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana loo adeegsaday gaari caasi oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxaana la la eegtay Fariisin Lagu tababaro ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Xiradaan oo ah Xerada Tababarka Ciidamada Milatariga Ee Jazeera ayaa la xaqiijiyay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Ciidamo iyo dad Shacab ah.

Dhanka kale Qarax  si aad ah looga maqlay ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada wadanka Soomaaliya.

Qaraxaan labaad ayaa lagu weeraray Hoteelka Wehliye oo ku yaala wadada Makka al-Mukarama ee Muqdisho.

Wararka qaar oo aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in Wasiiro katirsan Xukuumada ay ku sugnaayeen Gudaha Hoteelka.

Qaraxa ayaa Geeystay qasaarooyin aad u badan waxaana qaraxa ku dhintay Dad ku dhow 10 Ruux.

Faah Faahinta qaraxyada Dib kala soco Insha allah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho